FIEIT-Header

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) wuxuu u arkaa doorashada maanta oo Sabti ah, 10ka Diseember 2016ka ka dhacday magaalada Jowhar inay tahay mid si ayaan darro ah ku qabsoontay oo aan isla markaasna waafaqsaneyn xeerka doorashooyinka.

Guddiga oo tixraacaya warqaddii guddigu horey uu soo saaray 7dii Diseember ee lagu shaaciyay go’aanka laga gaaray Kursiga Beesha Jidle, wuxuu caddeynayaa in Guddiga Dowlad Goboleedka Doorashooyinka Dadban ee Hirshabeelle uusan sharciyad u laheyn in uu doorasho u qabto musharrax laga reebay tartanka.

GFHDD wuxuu mar labaad ku celinayaa in dhammaan musharrixiintii horey looga reebay tartanka aysan sinnaba uga qeybqaadan karin hannaanka doorashooyinka dadban ee sannadka 2016ka. Sidaas darteed, Guddigu ma aqoonsan doono natiijada kuraasta hannaanka lagu doortay aysan waafaqsaneyn xeerka doorashooyinka 2016 ka.

Sidii ku xusnayd go’aankii GFHDD waxaa laga sugayaa Wabarka beesha kor ku xusan ee mas’uulka ka ah kursiga beesha Jidle in uu soo xulo ergo doorasho cusub.

GFHDD wuxuu ku adkeynayaa dhamaan qeybaha ku shaqada leh hannaanka doorashada inay illaliyaan daahfurnaanta iyo ku kalsoonaanta Doorashooyinka 2016ka.

***DHAMMAAD***