XILALKA GUDDIGA HIRGELINTA DOORASHOOYINKA HEER DAWLAD GOBOLEED EE 2016

  1. Madasha Hoggaanka Qaranayaa ku dhawaaqday warmurtiyeedkii ay soo saartay 12kii Abriil 2016 in hannaanka doorashada 2016ka uu noqon doono mid isku mid ah. Qaab-dhismeed ama guddiyo laba beer ah oo ka kooban Guddiga Hirgelinta Doorashada ee Fedraalka (GFHDD) iyo Guddiyada Dowlad Goboleedka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) ee ka jira mid kasta oo ka mid ah dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya ayaa hirgelin doona hannaanka.
  2. Madasha Hoggaanka Qaran ayaa sidoo kale goaansatay in Guddiga GDGHDD ee ka jira mid kasta oo ka mid ah dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya uu ka koobnaanayo Ilxubnood oo siddeed (8) xubnood oo ka mid ah ay soo
    magacaabi doonaan dowlad goboleedyada federaalka, saddex (3) xubnoodna ay soo magacaabi doonto Dowladda Federaalka.
  3. Si looga hortago iska horimaadka danaha, Guddiyada GFHDD iyo GDGHDD waxay noqonayaan hay’ado loo wada dhan yahay oo ay hawlwadeenno ka yihiin farsamo-yaqaanno iyo la taliyeyaal aan hayn xil siyaasadeed una tartamayn doorashada 2016
  4. Guddiyada GDGHDD waxay u shaqeyn doonaan si ka madaxbanaan dhammaan mas uliyiint a siyaasadda iyo hayadaha goaanka qaata. Waxay la shaqeynayaan GFHDD.
  5. Mid kasta oo ka mid ah Guddiyada GDGHDD waa in ay ka mid noqdaan ugu yaraan 30% dumar ah.
  6. Xubnaha Guddiga GDGHDD waxay noqon doonaan xubno qadarin ku leh bulshada dhexdeeda oo leh waaya aragnimo u qalanta ama shahaadooyin waxbarasho.
  7. Waajibaadka xileed ee Guddiyada GDGHDD waxay ku eg tahay hirgelinta doorasho ee sannadka 2016.

Shuruudaha Xubinnimada Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dawlad-Goboleed (GHDDG) ee 2016

  1. Waa inuu yahay muwaadd”in soomaaliyeed dadiisuna ka yareyn Shan iyo Labaatan (25) sano;
  2. In Dhimirkiisu u dhan yahay awood buuxdana u leeyahay xilgudashada hawlaha Guddiga;
  3. Waa inuu yahay qof sumcad wanaagsan ku leh bulshada dhaxdeeda;
  4. Waa in ay maxkamadi si kama dambays ah ugu xukumin fal dembiyeed lagu muteysanayo xarig shantii sano ee ugu dambeysay;
  5. Waa in uusan xil siyaasadeed dalka ka hayn;
  6. Waa in aqoontiisu aanay ka hooseyn dugsi sare iyo/ama waayo-aragnimo u leeyahay maamulka iyo dhaqanka bulshada soomaaliyeed;
  7. In uu u hoggaansan yahay shuruucda iyo nidaamka doorashooyinka dadban ee lagu fulinayo 2016 iyo Shuruucda kale ee Dalka;
  8.  Xubnaha Guddiyadan iyo Ergooyinka Doorashada

Shuruudaha ka mid noqoshada Ergada doorashada Golaha Shacabka:
Shuruudaha xubnaha Ergooyinka Doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa ka mid ah:

  1. In uu Soomaali yahay kana mid yahay beesha kursiga iska leh;
  2. In Dhimirkiisu u dhan yahay, awood buuxdana u leeyahay gudashada xilalka ergeynimada;
  3. In dadiisa ka yareyn sideed iyo Toban (18) sano;
  4. In uusan musharax u ahayn labada Aqal midkoodna;
  5. In uu fahansan yahay mas’uuliyada doorashada;
  6. In ay maxkamadisi kama dambays ah ugu xukumin fal dembiyeed lagu muteysanayo xarig shantii sano ee ugu dambeysay;
  7. In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga Doorashada.
  8. In uusan xiriir la lahayn kooxaha arggagixisada

Shuruudaha Musharrixiinta Baarlamaanka Federaalka: Shuruudaha musharraxa u tartamaya Aqalka Sare ama Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waa sida ku xusan, kuna koobnayn, qodobka (58) ee Dastuurka Federaalka oo ay ka mid yihiin:

  1. In nu yahay muwaadin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
  2. Dhimirkiisu u dhan yahay;
  3. Da’diisuna ka yarayn 25 Sana;
  4. Xuquuqdiisa Muwaadinimo goaan maxkamadeed lagu hakin shantii sano (5) ee ugu danbaysay;
  5. Haysta waxbarasho ugu yaraan shahaado Dugsi Sare ah ama waaya-‘aragnimo u dhiganta;
  6. In uusan wax xiriir ah la lahayn kooxaha arggagixisada
  7. Musharraxa kasta oo u tartamaya Golaha Shacabka ama Aqalka Sare ee
    Baarlamaanka Federaalka Soomaa]iya: (i) musharax u tartamaya aqalka sare waa in uu bixiyo $10,000 (toban kun doolar); (ii) musharraxa u tartamayana G/Shacabkana $5,000 (shan   kun   doolar) raga $2500 (laba kun iyo shan boqol doolar) dumar oo ah lacag curaar diiwaangelin musharraxnimo oo aan dib loogu soo celinayn kana mid noqoneysa Missaniyadda Guud ee Doorashooyinka lagu fulinaayo.

 

  1. Guddiyada Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dawladaha Goboleed (GHDDG) wuxuu la shaqeynayaa Guddiga GFHDD Si waafaqsan hannaanka doorashada 2016.
  2. Guddiga GDGHDD wuxuu mas’uul ka yahay:
    1. Wadashaqeynta iyo isku xirka Guddiga GFHDD: si 100 xaqiijiyo in hannaanka doorashadu uu noqdo mid midaysan, oo ay ka midtahay ka qaybgalka tababarka shaqaalaha hawlwadeenada iyo la xiriir iyo isgaarsiin joogta ah oo uu la yeesho Guddiga GFHDD Si loo xiriiriyo hirgelinta dhammaan dhinacyada farsamo iyo hawlgallada
    2. Diyaarinta iyo hirgelinta hawlgalka hannaanka doorashada: Diyaarinta iyo hirgelinta hawlgalka hannaanka doorashada oo ay ka mid tahay qoridda shaqaale ku habboon hadba sida loogu baahdo hirgelinta howlaha hannaanka doorashada iyo inta ay khuseyso dhammaan diyaarinta la xiliirta xarumaha codeynta, isku xirka amniga, gaadiidka iyo hoyga ee hawlaha qabashada hannaanka doorashada ee ka dhacaya caasimadda ama xarunta fadhiga dowladdaas
    3. Qabashada iyo hubinta liiska ergooyinka doorashada: Qabashada iyo hubinta liiska ergooyinka doorashada ee ay Odey dhaqameedyadu soo gudbiyeen Si 100 xaqiijiyo in ergooyinka doorashadu ay noqdaan kuwo 1oo wada dhanyahay, oo ay ka mid yihiin xubno metela dhallinyarada iyo bulshada rayidka iyo ugu yaraan 30% oo haween ah, iyo inuu liisaska u gudbiyo Guddiga GFHDD si uu ugu sameeyo dib u eegid iyo hubin.
    4. Xaqiijinta Liisaska Ergooyinka: GDGHDD wuxuu xaqiijinayaa in liisaska ergooyinka ay soo gudbiyeen oday dhaqameedyada ay kala soo tashadeen nabadoonnada jifooyinka uu kursigu ka dhexeeyo. Haddii ay guddiga GDGHDD u caddaato in aan la tashigaasi dhicin wuxuu ku celinyaa oday dhaqameedkii soo gudbiyey si dib ay ugu saxaan isaga iyo nabadoonadiisa, iyadoo GFHDD ay kor joogtayn doonaan in wadatashigaasi dhacay.
    5. Habraaca Magacaabista Musharixiinta Aqalka Sare: Soo saaridda waraaqaha martiqaadka loo diro madaxda laamaha fulinta dowlad goboleedyada federaalka si ay u soo magacaabaan murashaxiinta u tartamaya Aqalka Sare iyo qabashada
      waraaqaha magacaabidda, iyo dib u eegidda waraaqaha magacaabidda (Aqalka Sare) iyadoo laga eegayo shuruudaha murashaxnimada iyo metelaadda haweenka.
    6. Maaraynta diiwaangelinta murashaxa: Maaraynta diiwaangelinta murashaxa iyo dib u eegidda diiwaangelinta murashaxa (Golaha Shacabka) iyadoo laga hubinaayo
      in uu buuxiyey shuruudaha murashaxnimada iyo in musharrixiinta ka qaybgalaya doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka ee 2016 iyo xubnaha ergooyinkaba ay wax xiriir ah la lahayn ururrada xagjirka; haddii Guddiga GFHDD uu arrin qalad ah ku helo dib u eegidda ay Guddiyada GDGHDD ku sameeyeen diiwaangelinta murashaxa, labada hayad ayaa iska kaashanaya wax ka qabashada iyo saxidda arrintaas.
    7. Soo ururinta ergooyinka: Waxaa kaloo xilka Guddigan ku jira soo ururinta ergooyinka doorashada iyo hannaanka codeyntooda
    8. Tababbarada: Diyaarinta iyo hirgelinta tababarka!ololaha wacyigelinta xubnaha ergooyinka doorashada ka hor inta ayna ka qaygelin hannaanka codeynta
    9. Goleynta Musharrixiinta: Diyaarinta iyo fududeynta “goleynta”rrlurashaxiinta labada Aqal ee Baarlamaanka, iyadoo si gaar ah 100 eegayo in murashaxiinta haweenka ah ay ka qaybgalaan
    10. Maaraynta hannaanka codeynta iyo tirinta codadka: Maaraynta habsami u socodka hanaanka codeynta, oo ay ka mid yihiin nidaamka codeynta, tirinta, isu geynta, xaqiijinta coddka iyo ku dhawaaqidda natiijada codeyntaba waxaa lagu fulinaya isla goobta codeynta lagu qabtay. Ayadoo haddiiba natiijadaas loo gudbinayo Gudiga Federaalka Hirgelinta Doorashada Dadban (GFHDD) iyo Madaxa Laanta Fulinta Dowlad Goboleedda ay khuseyso.
    11. Isuduwidda iyo iskaashiga xallinta Khilaafaadka: Isuduwidda nu la sameeyo, taageerana hannaanka xallinta khilaafaadka, haddii loo baahdo

Xubnaha uu ka koobanyahay

  1. Guddiga DGHDD waxay iska dhex dooran doonaan Guddoomiye iyo ku-xigeen. Waxayna goaamada kn gaarayaan cod hal dheeri ah, wuxuuna kulankooda qabsoomayaa marka ay fadhiyaan seddex meelood laba meelood.