Geedi-socodka Doorashada 2016ka

Macluumaadka halkan ku dheehan waa go’aano lagu gaaray wadatashashiyadii taxanaha ahaa ee sanadkii lasoo dhaafay ee ku saabsanaa Hannaanka Doorasho 2016ka iyo kulamadii xigay ee Madasha Hogganka Qaran (MHQ). Go’aanadan waxa ay ku xusan yihiin Baaqii Muqdisho ee ay MHQ ku soo saareen 16kii Disembar 2015kii iyo war-muriyeedyadii xigay ee ay soo saartay madasha 12kii Abriil, 3dii Luulyo, 25tii Juun iyo 9ki Agosto ee 2016ka.

Maxaa keenay Geedi-socodka Doorasho ee 2016ka?

Sida ku qeexan Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, muddada xil heynta Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka waxa ay ku egtahay sanadka 2016ka. Sidaa daraadeed, waxaa lagama maarmaan ah in la helo ha dhaqay siyaasadeed oo dib loogu qaabeeyo looguna sharciyeeyo hay’adaha siyaasadeed ee dalka. Maadaama xilligan la joogo aysan suurta gal aheyn in ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho guud, geedi-socod doorasho ayaa la diyaariyay si loo fududeeyo baahinta ka qeyb qaadashada siyaasada, marka la barbar dhigo tii 2012ka, iyo hiigsiga doorasho guud oo leh halbeeg caalami ah oo dhacda 2020ka.

Sidee kuraasta Golaha Shacbka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo dhisayaa?

Golaha shacabka ee Baarlamaanka cusub waxaa lagu soo dhisi doonaa hannaanka awood-qeybsiga beelaha (ama 4.5) kuraastana waxaa loo sii kala qeybieye dowlad goboleedyada dhisan iyo kuwa dhismi doona. Markaa kadib, rrgo doorasho oo ka kooban 51 xubnood ayaa soo dooran doona kursi walba oo ka mid ah kuraasta 275ta xubnood ee Golaha Shacabka ee Barlamaanka.

Sidee kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo dhisaa?

Aqalka Sare wuxuu matali doonaa dowlad goboleedyada dhisan iyo kuwa dhismi doona. Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa soo magacaabi doona ugu yaraan laba xubnood oo u tartanta kursi walba, markaa kadibna baarlamaanada maamul goboleedyada ayaa u coddeyn doona kursi walba. Baarlamaanada maamul goboleedyada ayaa xubnaha Aqalka Sare soo dooran doona, marka laga reebo Somaliland iyo Banaadir oo yeelan doona hannaan gaar ah.

Goorma ayay doorashada 2016ka dhacaysaa? 

In Madaxda Dowlad Goboleedyada soo gudbiyaan xubnaha musharraxiinta Aqalka Sare ugu danbeyn 5 ta bisha Oktoobar 2016;

In Guddiga Xallinta Khilaafaadka hawlgalo 8 da Oktoobar;

In liiska magacyada ergada doorashooyinka ee Golaha Shacabka la soo dhammeystiro ugu dambeyn 10 ka bisha Oktoobar;

In doorashada Golaha Shacabka la qabto inta u dhaxeyso Oktoobar 23-10 ka Nofeembar ee sannadka 2016ka. Kursi kasta oo ergadiisa diyaar noqota doorashadiisa way dhacaysaa markii la gaaro wakhtiga loo asteeyey doorashada Golaha Shacabka ee Barlaamaanka;

In doorashada Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka cusub la qabto 23 ka bisha Nofeembar;

Goorma ayaa la dooranayaa Madaxweynaha?

Madaxweynaha waxaa la dooran doonaa 30ka Nofeember, waxaana dooranaya xubnaha labada Gole ee Baarlamaanka, sida uu dhigayo Dastuurka Federaalka Kumeel-gaarka ah.

Qof kasta ma codeeyn karaa doorashada 2016k?

Maya.

Hannaanka Doorashada ee 2016ka ma aha doorasho guud oo leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod).

Gaar ahaan, kursi kasta oo ka mid kuraasta 275ta ee golaha shacabka Barlamaanka waxaa dooranayo ergo doorasho oo ka kooban 51 xubnood oo ay soo xuleen 135 madax dhaqameed ay MHQ ku heshiiyey oo la tashano nabadoonadooda. Tirada guud ee ergooyinka wax dooranaya waxa ay noqonaysaa 14,025.

Sidee xubnaha ergooyinka doorasho loo soo magacaabi doonaa?

Ergooyinka waxaa soo xuli doona Madax-Dhaqameedyada oo la tashanaya hogaan dhaqameedyada beelaha iyo jufooyinka (nabadoonada iyo samadoonada) wakiilka ka ah dhamaan beelaha ama jufooyinka kuraastu ka dhexeyso.

Si loo dhiirigeliyo ka qebyqaadasha iyo kaalinta siyaasada ee haweenka iyo dhalinyada, waxay MHQ ku heshiisay in ergada doorashda ee kursi walba ay ugu yaraan 30% ama 16 xubnood oo haween ah iyo 10 dhalinyado ku jiraan xubnaha ergooyinka doorashada.

Sidee musharixiinta ugu tartami doonaan kuraasta?

Muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo ka mid ah beelaha ama jufooyinka kuraastu ka dhaxayso, da’diisuna ay tahay ugu yaraan 25 sano, heystana shahaadada dugsiga sare, ama waaya-aragnimo u dhiganta, wuu codsan karaa in musharax ahaan loo diiwaangeliyo. Musharax walba waa in uu bixiyo lacagta musharaxnimada oo ragga laga rabo inay bixinayaan $5000 halka dumarkana laga rabo inay bixiyaan $2500.

Xagee doorashadu ka dhaceysaa?

Coddeyntu waxa ay ka dhacaysaa caasimadaha ama xarumaha dowlad goboleedyada jira ama kuwa dhismaya sida Cadaado, Baydhaba, Garowe, iyo Kismaayo, iyo sidoo kale Mogadishu oo lagu qabanayo coddeynta Somaliland iyo beelaha Banaadiriga. Goobta lagu qabanyo doorashada xubnaha Baarlamaanka u metelaya Hiiraan iyo Shabeelada dhexe wali lama go’aamin.  

Yaa maamuli doona doorashooyinka?

Guddiga Federaalka Hirgalinta Doorashada Dadban (GFHDD) ayaa mas’uul ka ah kormeerka iyo qorsheynta guud ee geedi-socodka doorasho si doorashadu ugu dhacdo si isku mid ah.

Guddigu wuxuu ka kooban yahay 22 xubnood oo xirfad iyo aqoon kala duwan leh. Toban kamid ah xubnaha GFHDD waxaa soo magacaabay Dowladda Federaalka, halka 12ka kalena ay soo kala magacaabeen dowlad goboleedyada federaalka ah ee jira iyo kuwa samaysmaya, Todobo (7) kamid ah 22ka xubnood waa haween (32%).

Waxaa kaloo la dhisay guddiyo lix ah oo la yiraahdo Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelinta Doorashada Dadban (GDGHDD) si ay geedi-socodka doorasho uga hirgeliyaan maamul goboleedyada dhisan iyo kuwa dhismaya. Gobolka Banaadir waxaa uu yeelan doonaa GDGHDD. Guddi kasta ee GDGHDD wuxuu ka koobanyahay 11 xubnood, sided (8) kamid ah waxaa soo magacaaba dowlad goboleedyada ka tirsan federaalka, halka saddex (3) xubnoodna ay soo magacawday Dowladda Federaalka ah.

Muddada shaqo ee guddiyada GFHDD iyo GDGHDD waxay dhamaaneysaa kadib marka la soo saaro natiijada kama dambeysta ah ee doorashada Barlamaanka ee 2016ka.

Goormee Soomaaliya Doorasho Hal Qof iyo Hal Cod ka dhici doontaa?

Waxaa la filayaa in doorasho qof iyo cod ah ay dhici doonto 2020ka. Doorashadaas waxaa maamuli doona Guddiga Madax Banaan ee Doorashooyinka Qaran, kaas oo la aasaasay Luulyo 2015ka.

Sidee geedi-socodkan doorasho ee 2016ka uga duwanyahay geedi-socodki soo xulidda ee 2012ka?

Geedi-socodka doorasho ee sanadkan waxaa lagu soo dooranayaa xubnaha labada aqal ee baarlamaanka, halka 2012kii, hal aqal baarlamaan oo kaliya la soo xulay. Kuraasta baarlamaanka hada jira waxaa lagu qaybiyay nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5, laakiin sanadkan kuraasta Aqalka Sare ee baarlamaanka cusub waxaa loo kala qeybiyay dowlad goboleedyada iyo deegaan goboleedyada. Dad Soomaliyeed oo tiro ahaan boqol jeer ka badan intii ka qayb qaadatay geedi-socodki 2012ka, ayaa sanadkan ka qaybqaadanaya geedi-socodkan. Sanadkii 2012ka, 135 Madx Dhaqameed ayaa soo xulay xubnaha baarlamaanka hada jira, halka sanadkan 2016ka ay 14,025 ergo doorasho soo dooran doonan xubnaha Golaha Shacabka ee Barlamaanka.

Afar sano ka hor, u coddeynta xubnaha baarlamaanka waxa ay ka dhacaday oo ay ku koobnayd Muqdisho, laakiin sanadkan, coddeynta waxa ay ka dhacaysaa ugu yaraan lix goobood oo ku kala yaala dalka, ayna ku jirto Muqdisho. Codbixinta Golaha Shacabka waxa ay noqon doontaaaa qarsoodi. Xubnaha ka mid ah ergooyinka doorasho iyo baarlamaanada maamul goboleedyada ayaa awood u yeelan doonaan in ay kala xushaan musharrixiinta kala duwan ee u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka. Xubnaha ergooyinka doorasho waxay u coddeyn doonaan musharrixiinta u tartamaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, halka baarlamaanada maamul goboleedyaduna soo dooran doonaan xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka.